Jamaal Caraaye “Safiir Yoonis markuu ogaaday inuu beddel yahay ayuu go’aansaday wixii uu sii qaadan karo iyo wixii uu qasi karo inuu qaso”

Dhowrkii cisho ee u dambeeyay qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Antwerpen & Magaalooyinka ku dhowdhow ayaa siyaabo kala duwan aragtidooda kaga dhiibanayay howlaha ka soconaya safaarada Soomaalidu ay ku leedahay Magaalada Brussels ee waddanka Beljium-ka.

Qaar ka mid ah dadka la soo xiriiray warbaahinta, waxeey sheegeen in safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub & waddamada la isku yiraa “Benelux” Danjire Yoonis Yaashin Xaashi [Oogacadde] inuu ka leexday dariiqii diblumaasiyada, isla markaana uu meel-kaga dhacay qiyamkii & maamuuskii ay safaaradu laheyd, uuna ka dhigay safaaradii goob aan ku shaqeyn shuruuc Dowladnimo ee ku shaqeysa waxa isaga safiirka u dan ah.

Dood-wadaag loo qabtay xubno Jaaliyada ka tirsan ayaa qaar xunahaasi  ka mid ah ay  ku ammaaneen safiirka inuu yahay safiirkii ugu horreeyey ee suurtageliyay in safaarada Soomaalidu ka magac & muuqaal sareyso safaaradaha kale ee waddamo badan oo Afrikaan ah, waxaanna ay sheegeen in dadka safiirka eedeynaya yihiin dad aan safaarada weligood tegin oo doonaya in ay sumcad-dilaan safiirka.

“Safiirku, waa shaqsi na la mid ah laga yaabee in ay nala joogaan boqolaal isaga ka aqoon & xikmad badan. Xilka uu hayo waa mid loogu talogalay inuu bulshada si cadaalad ah ugu adeego, haddii uu waddadii saxda aheyd ka leexdo waa loo sheegayaa, ciddii u guul-wadeyneysa iyageey u taalaa, annaga waxaan leenahay Danjire Yoonis albaabka aad garaaceyso ma ahan kii saxda ahaa, haddii uu maqli waayo farriinteena cod dheer ayaan ugu sheegeynaa” Ayuu yiri Jamaal Caraaye, oo ka mid ah waxgaradka dhaliilsan Safiirka.

Jamaal Caraaye, waxaa la weydiiyay waxa ay ku saleysan tahay dhaliisha uu safiirka u jeedinayo, wuxuuna  ku nuuxnuuxsaday in dhaliishiisu aysan aheyn dan shaqsi ah oo uu safiirka & safaarada ka leeyahay balse ay tahay damqasho uu u damqanayo dad dhibanayaal ah oo safiirka & shaqaalihiisa ay ku xadgudbeen.

“Shaqsi shaqaalihiisa u cadaalad fali waayay siddee ayeey suurtagal ku tahay inuu dad kale u cadaalad falo.? Anigu diblumaasiyada inta aan ka aqaan Safiirku waa wakiilka Dowladda. Qunsulkuna waa shaqsiga  wada howsha safaarada, waxaan aragnaa gabadhii qunsulka aheyd in aan fursad loo siin in ay shaqadeedii qabsato, oo la yiri meeshaan fadhiiso adigu ee dadka imaanaya safaarada lacagta ka qaad rasiid na sii, lacagta hebel ku wareeji. kursigeediina la fadhiisiyay shaqsi kale; Nasiib darrada kale ee meesha taala waxeey tahay in gabadhu in sidaa loola dhaqmo ay iyadii ku qanacsan tahay. Gabadha annigu ma aqaan iyadana ima taqaan, balse waxaan xamili la’ahay inaan dulmiga aan u jeedo inaan ka aamuso” Ayuu yiri Jamaal Caraaye.

Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaalida Beljium-ka Injineer Maxaed-deeq ayaa gaashaanka u daruuray eedeynta safiirka, kuna tilmaamay been la dhoodhoobay oo aan beyd run ka aheyn.

“Safiir Yoonis haddaan waxqabadkiisa ka hadlo ma dhammeyn karo, laakiin saaxiibkeey Jamaal Caraaye hal tusaalo ayaan siinayaa. Safiiradii isaga ka horreeyay weligood Soomaalida sooma aysan dhexgelin marka laga reebo ALLAHA u naxariistee R/wasaare Nuur Cadde oo Jaaliyada mar la kulmay. Yoonis meel walba oo ay Soomaali shir ku qabsaneyso waa joogaa haddeey tahay Holland & Haddeey Beljium, waxaa laga yaabaa inaad berri ku aragto isaga oo dad Soomaali ah maqaayad kula shaahaya. Danjire Yoonis waa ciyaalka xaafada” Ayuu yiri Eng. Deeqoow.

Jamaal Caraaye mar la weydiiyay in loo qaadan karo eedeyntiisu mid xad-xagasho ah, oo aan caddeymo wadan wuxuu sheegay in isaga & saaxiibadii arrimaha ay ka hadlayaan ee cabashada ah in ay dhowaan u gudbiyeen MD Xassan & R/wasaare Xamza.

“Soomaalidu, badidood marka ay la kulmaan xadgudub & dhibaato bulshadooda lagu hayo kama hadlaan, ilaa dhibaatadu ay si shaqsi ah u saameyso, haddii Soomaalidu u midoobi laheyd in ay dulmi-diid noqdaan dalkeenu sida uu maanta yahay ma noqdeen; Ma doonayo inaan arrimo badan oo aan ogahay oo fadeexad noqon karo aan hoos u sii galo, waxaanse kuu sheegayaa in safaaradu u baahan tahay qof mas’uul ah oo si daacadnimo ah ugu qidmeeya bulshada. Safaarada Beljium uma baahna qof ka shaqeysta ee waxeey u baahan tahay qof bulshada u shaqeeya”

- Advertisement -